Madaxtooyada Puntland oo Qandaraas laga siiyay Wiil uu dhalay Mulkiilaha iyo Madaxweynaha walaalkiis

09 July 2019 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo milkiilaha dawladda Deni Maxamuud Shido ay siiyeen Mahad Cabdulaahi Deni, oo madaxweynaha walaalkiis ah, iyo wiil uu dhalay Maxamuud Shido oo la dhaho C/laahi Maxamuud Shido qandaraaska dib u dhiska qaybo la mid ah madaxtooyada Puntland.

Qaybaha dib u dhiska lagu samaynayo madaxtooyada Puntland ayaa la ah Guriga madaxweynaha,  Hoolkii golaha wasiiradu ku shiri jireen, Rinjeyey iyo hoolka wayn ee isagoo qabyo ah uu ka tagaymadaxweynihii hore oo uuna xil wareejinta ku daray .

Waxaa sifo sharci daro ah oo aan loo tartamin lagu siiyey Wiil uu dhalay Mulkiilaha iyo Madaxweynaha walaalkiis, taas oo ah naas-nuujin lagu sheegay dib u habaynta madaxtooyada laakiin ujeedadu tahay sifo lacag lagu cuno.

Shirkadii ay dawladdii hore ku siisay qandaraaska dhismaha hoolka wayn, waxaa cayriyey madaxweyne Deni si uu walaakiis iyo wiilka Maxamuud Shido ugu naas-nuugiyo.

Mashruucaan lacag cunida ayaa ku eg rinjiyey iyo naash-naash ujeedadu ay tahay in lacag lagu xalaalaysto.

Sidoo kale waxay wali kooxda Aaran Jaan geed dheer iyo mid gaaban u fuushan yihiin inay qaataan qandaraaskii shirkada Ethiopian Airlines, taas oo Deni ku qasbayo in Maxamuud Shido la siiyo qandaraaska iyadoo ay shirkaduna ka biyo diidan tahay.

Arintaan ayaa khatarteeda leh oo waxaa laga yaabaa inay shirkadu joojiso duulimaadyadii u qorshaysnaa inay ka bilowdo Puntland.

Puntlandes.com

About The Author