Sawirro: Raysal wasaaraha DFS Xassan Cali Khayre oo Galkayo ka dhagax dhigay Hoyga Nabada ee Puntland, Galmudug

10 July 2019 (Puntlandes) Raysal wasaaraha DFS Xassan Cali Khayre ayaa magaalada Gaalkacyo ka dhagax dhigay Hoyga Nabada ee Puntland, Galmudug, waxaana ku weheliyey dhagax dhiga Maamulada Gobolka Mudug iyo Degmada Gaalkacyo ee Puntland, Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku ammaanay maamullada labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dadaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan si guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

Munaasabad dhagax dhigga oo ay ka qayb galeen guddoomiyayaasha gobalka Mudug iyo gudoomiyayaasha degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qaybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo.

Hoyga Nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqnaya dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, odayaasha dhaqanka iyo dadka samaddoonnada ah ee bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado isdhex galka bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.


Puntlandes.com

About The Author