Sawirro: Masuuliyiintii wasaaradda Maaliyadda ee uu Madaxwayne Deni uu usoo magcaabay oo xilkii lawareegay

10 July 2019 (Puntlandes) Xaflada Xilwareejinta ayaa ka dhaday Hoolka shirarka Wasaaradda Maaliyadda ay ku leedahay Magaaladan Garowe, taas oo ay xilka kula wareegayaan Masuuliyiintii wasaaradda Maaliyadda ee uu Madaxwayne Deni dhawaan soo magacaabay.

Xilwareejinta waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirku Xigeenka Maaliyadda, Wasiirku Xigeenka dakhliga, Wasiiru dawlaha Maaliyadda iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Masuuliyiinta xilka wareejisay ayaa waxaa ay kale ahaayeen Xisaabiyaha guud ee Dawladda C/risaaq Siciid Nuur, Agaasimaha guud C/risaaq Maxamed Xasan, Agaasimahe Guud ku xigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar iyo Agaasime Guud ku xigeenka Maamulka Cismaan Buux.

Masuuliyiintan ayaa halkaasi ka soo jeediyay shaqooyinkii kala duwanaa ee ay soo qabteen iyo xogta shaqaalaha iyo shaqada hoos timaada waxana ay sheegeen ay ku farax sanyihiin Xilwareejinta

Masuuliyiinta xilka lawaregtay ayaa kala ahaa Xisaabiyaha guud ee Dawladda Cumar saalax aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal C/laahi, Agaasima guud ku xigeenka Dakhliga Abshir Maxamed Abshir iyo Agaasime Guud ku xigeenka Maamulka keenadiid Cali Jaamac

Masuuliyiinta Cusub ayaa sheegay in ay gudan doonaan shaqooyinka loo igmaday ilaahna ka rajay nayaan in uu u fududeeyo

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo soo afmeermay xafladaasi ayaa la dar daarmay Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqada adag ee laga sugaayo

 


Puntlandes.com

About The Author