XIldhibaanada Hirshabelle oo mooshin ka diyaarinaya Madaxweyne Waare & guddoomiyaha Baarlamanka

11 July 2019 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa bilaabay diyaarinta mooshino ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed oo haatan ku sugan magaalada Beledweyne.

Xildhibaanada ayaa kulamo kala gaar gaar ah waxay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle, iyagoo ku eedeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Hirshabelle xil gudasho la’aan iyo ku takrifal awoodeed iyo inay jebiyeen qodobo dastuuri ah.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa u direy fariino xildhibaanada baarlamaanka inay isugu yimaadaan kulamo caadi ah.

Waxaana weli taagan khilaaf ka dhashay xiristii uu guddoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre uu ku xirey kalfadhigii Baarlamaanka fariin uu u kala direy xildhibaanada Hirshabelle.

Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa hore xilka uga qaaday madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble xilli uu ka maqnaa caasimada Hirshabelle ee Jowhar, waxay kaloo hadda ka hor mooshin xil ka qaad ah ka keeneen Waare laakiin wuxuu ku guulaystay inuu kala fur-furo.

Puntlandes.com

About The Author