Daawo Video: Beesha Koomade oo shir ay yeesheen ku go’aamiyey in Axmed Madobe kaliya musharax u yahay Jubaland

11 July 2019 (Puntlandes) Shir afartii cisho magaalada Kismaayo uga socday Waxgaradka, Salaadiinta, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Beesha Koomade ee ka ah beelaha Soomaaliyeed ee dega Jubbaland ayaa lasoo gaba-gabeeyey islamarkaana war-murtiyeed laga soo saaray.

War-murtiyeedka oo ka kooban qodobo kala duwan ayaa looga hadlay arrimmo ay kamid yihiin siyaasadda Dowladda Federaalka ku aaddan Dowlad-gobaleedka Jubbaland, arrimaha doorashooyinka Jubbaland, adkeynta midnimada beesha iyo nabad kula noolaanshaha beesha ee beelaha kale ee la deggan.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay in Beeshu ay isku raacday in Axmed Madoobe madaxweynaha iminka ee Jubaland uu yahay musharaxa kaliya ee Beesha u tartamaya xilka madaxweynaha Jubaland ee doorashadiisa la filayo inay dhawaan dhacdo.


Puntlandes.com

About The Author