Daawo RW Khayre oo  la kulmay Isimada, xubno ka tirsan golaha deegaanka & qaybaha kala duwan ee bulshada ee Waqooyiga magaalada Galkacyo ee Puntland.

11 July 2019 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta la kulmay Isimada, xubno ka tirsan golaha deegaanka & qaybaha kala duwan ee bulshada ee Waqooyiga magaalada Galkacyo ee Puntland.

Isimada uu la kulmay Khayre ayaa kala ahaa Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, Suldaan Maxamed Maxamuud Cilmi Calas iyo Suldaan Maxamed Jaamac Juunle oo ka mid ah Isimada gobolka Mudug.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay sidii ay usii xoojin lahaayeen taageerada ay u hayaaan dawladda Federaalka Soomaaliya oo ah dawladoodii, iyagoo sheegay inay shacabka gobolka Mudug yihiin kuwii suurto geliyey in dawladu ay Villa Somalia ku shaqayso kadib markii ay taageero dhan walba ah u muujiyeen dawladdii AUN madaxweyne C/laahi Yuusuf haddana ay wali sidii diyaar ugu yihiin.

Isimadii, waxgaradkii iyo qaybaha kala duwan ee uu kulanka la qaatay RW Khayre ayaa ka codsaday inay dawladda federaalku qayb ka qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka Mudug ee Puntland.

Khayre ayaa ka aqbalay ka qaybqaadashada horumarka ka socda gobolka waxa uuna balanqaaday inay qayb ballaaran dawladiisu ka gaysan doonto dhamaystirka Garoonka Cawaale, Cisbitaalka guud ee gobolka iyo wadada Laamiga ah ee dhexmarta magaalda Gaalkacyo.

Dhanka kale RW Khayre ayaa ka mahadceliyey sidii aadka u saraysay oo qiimaha lahayd oo ay shacabka waqooyiga magaaladu u soo dhaweeyeen shalay, isagoo ku nuux nuuxsaday inaysan ka go’ayn qalbigiisa sidii shalay loo soo dhaweeyey.

Daawo RW Khayre oo  la kulmay Isimada, xubno ka tirsan golaha deegaanka & qaybaha kala duwan ee bulshada ee Waqooyiga magaalada Galkacyo ee Puntland.


Puntlandes.com

About The Author