Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

12 July 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gelinka dambe dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta halkaasi loogu sameeyay kulan sagootin ah oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug, waxaana kulanka kaddib ay Wafdiga Ra’iisul Wasaaruhu u soo amba baxeen magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxa Xukumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka, Wasiiro iyo Xildhibaanno katirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Dhuusamareeb.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Galmudug  oo uu kala hadli doona dhameystirka Galmudug oo loo dhanyahay.

Puntlandes.com

About The Author