Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii lagu qaaday hotel ku yaal magaalada Kismaayo

12 July 2019 (Puntlandes) Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday Hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo.

Weerarkan oo uu ururka Alshabaab sheegtay ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federalka iyo kuwa Maamul goboleedka Jubbaland.

Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa ka mid ahaa Xildhibaanka Hoteelka laga soo badbaadiyay, waxaana hadda wali socda howlgalka badbaadinta.

Dabley hubeesan ayaa lagu soo waramayaa in weli ka dhax degaalamayaan dhismaha Hotelka la weeraray, waxaana Hotelka gaaray ciidamada maamulka Jubbaland oo isku dayay in ay weerarka soo afjaraan.

Puntlandes.com

About The Author