Sawirro: Kullan isugu jira soo dhawayn & aqoon si wiidaarsi oo Galkacyo loogu sameeyay lataliyaha RW Somalia Dr Abdiqani Orahaye

13 July 2019 (Puntlandes) Aqoonyahanka iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa Kullan isugu jira soo dhawayn iyo aqoon si wiidaarsi xalay ugu sameeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiqani Cabdi Jaamac (Orahaye).

Cabdiqani Orahaye, ayaa ah mas’uul qayb wayn ka soo qaatay aasaaskii Jubbaland iyo Puntland, haddana qayb wayn ka ah dib u dhiska Dowladda Federaalka.

Cabdiqani Orahaye ayaa u mahad celiyey shacbka magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan dowldda Goboleedka Puntland sidii diiranayd ee wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu ka mid ahaa loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo, wuxuuna si gaar ah ugu Mahad celiyey shacabka Puntland oo si aan hagar-laheyn ugu Soo dhaweeyey Galkacyo.

Lataliye Cabdiqani Orahaye wuxuu dhallinyarada uga digay in aysan ku dhicin siyaasadaha is jiirsan ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed dhex dabaalanayaan, balse u soo jeedsadaan waxqabad iyo horumarinta dalkooda.

Cabdiqani Orahaye ayaa wuxuu iftiimiyey in diwladda Puntland ay xoolo badan iyo dhiig ku bixisay dib u yagleeliddii dawladda Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee xilligan aysan ahayn mid ka faa’iideysatay miraheedii ay beertay.

 


Puntlandes.com

About The Author