Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Qardho.

13 July 2019 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacabka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Karkaar uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, waxa uu xusay in hidde iyo dhaqan ay shacabka reer Qardhood u leeyihiin qaabiladda habmaamuuskeedu sareeyo ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa tilmaamay in saldhiggiisu yahay is xogwaraysi, korjoogtayn iyo in dowladda dhexe qiimayso xaaladda dalka, sida shaqooyinku u socdaan iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Qardho uu kasoo shaqeeyey xiiliyo kala duwan, waxaana uu hoosta ka xariiqay in haddana uu diyaar u yahay ka shaqaynta horumarkeeda iyo dhismaha dowladnimadeeda.



Puntlandes.com

About The Author