Dawlada Puntland oo Xabsiga dhigtay Nabadoon/Afahayeenka Nabadoonada Puntland C/laahi Maxamed Jibriil & wariye Maxamed Siciid

13 July 2019 (Puntlandes) Ciidamo ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland ayaa Xabsiga dhigay Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jibriil oo ahaa Afahayeenka Nabadoonada Puntland iyo Suxufi Maxamed Siciid.

NabadoonCabdullaahi Maxamed Jibriil 

Nabadoonka oo ah Afahayeenka Nabadoonada Puntland Abwaan ah ayaa lagu xiray magaalada Garowe. Sababta loo xiray weli dowladu kama hadlin, hase yeeshee waxa uu muuqaal kaga hadlay labo cisho ka hor Yaga-dii ay dawladda Puntland ku qabatay garowe iyo isagoo taageeray safarkii ra’isul wasaare Khayre Galkacayo.

Suxufi Maxamed Siciid

Suxufi Maxamed Siciid oo warbaahino kala duwan u soo shaqeeyay ayaa sida la ii sheegay waxaa loo xiray inuu muuqaal ka duubay Nabadoon Abdullaahi Mahamed Jabriil oo sidoo kale maanta la xiray.

Dastuurka Puntland ayaa muwaadinka xaq u siinaya inuu aragtidiisa ku cabiro hadal, qoraal, farshaxan iyo suugaan, waana sharci daro xariga Nabadoonka iyo suxufiga.

Hoos ka waado muuqaalka lagu xiray Nabadoonka


Puntlandes.com

About The Author