Qaraxa Dhuusamareeb iyo Khasaaraha ka dhashay

14 July 2019 (Puntlandes) Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah, iyadoo qof isku soo xiray xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad ku dhow Xarunta INJI.

Qaraxa ayaa waxaa uu sababay dhimada qofkii isa soo miidaamiyay iyo shan halka ay ku dhaawacmeen ruux oo mid ay haweeney tahay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qofka is qarxiyay uu muddo fadhiyay maqaayad yar oo ku dhow Xarunta INJI oo uu ka howlgalo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid degan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay soo buuxiyay ciidamada amniga, kuwaasoo xiray wadada iyo aagga ay wax ka dhaceen.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana maalintii shalay gaaray magaaladaas wafdi ka socday dowladda Qatar.

Puntlandes.com

About The Author