Alshabaab oo 45 maalmood u qabtay inay isku diiwaangeliyaan odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka

15 July 2019 (Puntlandes) Bayaan kasoo baxay hoggaanka sare ee Xarkada Alshabaab ayaa amray culus la dul dhigay odayashii ergada ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Bayaankan oo ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa lagu sheegay in Odayaashu ay ku dheceen “Fal gaalnimo ah”, lagana doonayo in ay ka towbad keenaan ficilka ay ku dheceen.

“Waa inay iska diiwaangeliyaan maamulada wilaayaadka islaamiga ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo 45 maalmood ah oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka.”ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Alshabaab.

Ururka Alshabaab ayaa ugu hanjabay in Odeygii ka faa’ideysan waaya baaqa ay marin doonaan shareecada islaamka. Baaqan ka soo baxay ururka Alshabaab ayaa imanaya iyadoo dowlada federalka ay doonayso in doorasho qof iyo cod ah laga qabto dalka Soomaaliya.

Waxaana hore uu ururka Alshabaab u diley dad badan oo ka mid ahaa ergooyinkii doortay xildhibaanada baarlamaanka kuwaasoo isugu jira rag iyo dumarba.

Puntlandes.com

About The Author