Beesha Sacad oo shirkii Gaalkacyo kasoo saartay go’aano carqabad ku ah qorshaha RW Khayre ee Galmudug

14 July 2019 (Puntlandes) Shirkii Beesha Sacad uga socday magaalada Galkacyo 10kii ilaa 14kii July 2019ka ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban qodobo khuseeya shirka nabadaynta iyo doorasha Galmudug. Waramurtiyeedka oo meelo badan taabanayay ayaa beesha Sacad waxa ay ku cadeeysay mowqifkeeda ku aadan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Beesha Sacad ayaa iclaamisay kuna baaqaday in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu ka dhaco magaalada koonfurta Gaalkacyo. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen in dowlada Fedaraalka ay faraha kala baxdo arimaha Galmudug loona dhaafo reer Galmudug in ay xalistaan arimahooda u gaar ah.

Beesha waxa ay si dahsoon u sheegtay in aysan taageerin in Dhuusamareeb doorasho lagu qabto. Waxa ay sheegeen in ay waafaqsan tahay sharuucda ku qoran dastuurka Galmudug kaas oo ah in doorashada Galmudug ay ka dhici karto oo kali ah Magaalada Cadaado.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirweynaha ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah ah:

1- Beesha Sacad waxay taageeraysaa si buuxdana uga qayb galaysaa Shirka Nabadda Hobyo ee Beelaha Habargidir.

2- Shirweynahu wuxuu isku waafaqay in Shirka Nabadaynta iyo Dib-u heshiisiinta beelaha Galmudug gogoshiisu ay noqoto magaalada Gaalkacyo maadaama madaxweynaha JFS uu ka dhagax dhigay Galkacyo Xarunta Nabadda & Dib-u-heshisiinta Galmudug bishii Janaayo 2018.

3- Shirweynahu wuxuu garowsaday in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayadoo guddiyada maamulaya doorashooyinkaasna ay beeluhu si madax banaan u soo xushaam xubnaha uga qaybgalaya, sidoo kalena doorashadu ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug isla markaana heshiis lagu wada yahay.

Qodobada laga soo saaray shirkaan ayaa caddeyn u ah sida Ra’iisul Wasaaraha ugu guuldareystay qorshihiisa Safarkii Koofurta Gaalkacyo, marka loo eego howlihii uu u yimid deegaanada Galmudug oo qeyb ka mid ah ku guuleystay, balse caqabad hor leh uu hada soo if baxay oo la xiriira habka la doonayo in loo bilaabo dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay.

Hoos ka akhriso Qodobada kasoo baxay shirka


Puntlandes.com

About The Author