Sawirro: Maktabadda PDRC oo uu xariga ka jaray Dr Cali Ciise Cabdi oo kamid ahaa aassaasayaashii PDRC (muuqaal)

15 July 2019 (Puntlandes) Maktabadda cusub ee xarunta Punland Development Research Center (PDRC) ayaa waxaa si rasmi ah xariga uga jaray Dr Cali Ciise Cabdi oo kamid ahaa aassaasayaashii PDRC ahna xubin ka mid ah xubnaha rasmiga ah ee Guddiga La-talinta PDRC.

Xaruntu waxay magac iyo maamuusba ku kasbatay in ay noqotay hay’ad ka shaqaysa nabadda Puntland oo ka soo kabatay aafada Dagaallada sokeeye (kuwaas oo qarxay sannadkii 1991), iyo weliba colaadihii diimeed iyo fawdadii ka dambaysey.

labaatankii sano ee ina soo dhaafay, xaruntu waxa ay ahayd madal dhex-dhexaad ah oo lagu wada tashado, lagu heshiiyo, iyada oo guud ahaan la adeegsanayo barnaamijyo ay iska kaashadeen hay’adda Interpeace.

Waxyaabaha u fududeeya Xarunta in ay ku guulaysato hawleheeda waxa ugu mudan in ay kulmiso wakiillada dhammaan qaybaha bulshada Puntland ka kooban tahay, iyada oo hoos u sii eegeysa qaybaha bulshada ka tirsan ee aan ka-qayb-gal ku lahayn habka go’aan qaadashada, sida haweenka, dhallinyarada iyo dadka la hayb-sooco. Si looga qaybgeliyo doodaha muhiimka ah, waxa ay xaruntu xaqiijisaa in hab-socodka hay’adaha muhiimka u ah bulsho awood leh iyo dawladnimo si fiican u shaqayneysa ay si dhab ah uga muuqdaan danaha kala duwan ee reer Puntland.



Puntlandes.com

About The Author