Sawirro: Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Dhuusamareeb

15 July 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka ambabaxay magaalada Beledweyne kadib muddo bil ah oo uu halkaas u jooga khilaaf ka dhashay maamulka gobolka Hiiraan isagoo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirka Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug qeybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusamareeb.

Wafdiga Madaxweyne Waare ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana wararka sidoo kale sheegayaan in Madaxweyne Waare iyo Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay ka wada hadli doonaan xalinta dagaal beeleedyadii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Khilaaf u dhexeeya beela dega deegaano ka mid ah maamul goboleedka Hirshabeele gaar ahaan degmada Matabaan iyo deegaanka Maxaas ayaa sababay dagaal ay ku dhinteen tobanaan ruux tiro kalana ay ku dhaawacmeen.


Puntlandes.com

About The Author