Daawo Video-Sawirro: Dr Cali Ciise PDRC Talks uga hadlay Qorshaha is-dhexgalka geeska Afrika, Saameynta siyaasadeed & dhaqaale ee Somalia

15 July 2019 (Puntlandes) Munaasabada PDRC Talks oo ah madal akhyaari ah oo bishii mar lagu casumo masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya iyo khuburo madax-bannaan.

Inta badan musaasabada PDRC Talks waxay kooban tahay labo qaybood. Qaybta koowaad waa hadal jeedinta masuulka ku casuman iyo qaybta labaad oo ah dood kooxeed lagu falanqeynayo mowduuca oo goob-joog ka yihiin bulshada rayidka iyo daneeyeyaal kale.

Haddaba musaasabadaan ayaa waxaa xalay marti ku ahaa Dr Cali Ciise Cabdi oo ah dhaqaale-yahan sare oo horey u soo noqday maareeyaha Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta International Monetary  Fund (IMF) muddo ka badan labaatan sanadood, haddana waa agaasimaha The Horn Economic and Social Policy Institute.

Dr Cali Ciise ayaa wuxuu ka hadlay “Qorshaha is-dhexgalka geeska Afrika: Saameynta siyaasadeed iyo tan dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya”.

Dr Cali Ciise ayaa ka hadlay aragtiyo aasaasi ah oo lagu gaari karo kobac dhaqaale iyadoo loo marayo hubin amni iyo xasillooni lagu dhiso kaabayaal dhaqaale iyo hantida guud.

Waxa sidoo kale uu ka hadlay caqabadaha dhaqaale ee Soomaaliya haysta iyo isbeddellada Geeska Afrika, isku xirka ganacsiga Itoobiya iyo Soomaaliya iyo faa’iidooyinka macquulka ah ee xubinnimada geeska Afrika.

Daawo Khudbada Dr Cali Ciise oo dhameystiran:


Puntlandes.com

About The Author