Sawirro: Guddiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhihgiisa Rwanda

16 July 2019 (Puntlandes) Guddigga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa 14-kii bishan ah u yimid safar shaqo Kigali, dalka Rwanda si uu u turxaan-bixiyo xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka, kaas oo muhiim u ah aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safarkaan shaqo oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshentna, Maalgashiga iyo Horumirinta Dhaqaalaha ayaa inta uu socdo guddigu ku dersi doonaa shuruuc kale sida habraaca miisaaniyadda , islaxisaabtanka, iyo doorka tirakoobka aay ku leedahay qoondadda miisanyidda.

Bilowgii safarka shaqo ayaa guddigu soo booqday Mac-hadka Istaatistikada Qaranka Rwanda iyo xarunta Baarlamaanka Rwanda, halkaas oo uu kula yeeshay kulamo guddiga dhiggiisa ah iyo madaxda mac-hadka.
Safarkaan shaqo ayaa dhanka Wasaaradda waxaa hoggaaminaya Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Xildhibaan Fahmo Axmed Nuur oo ay wehiliyaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasima Guud ee Agaasinka Istaatistikada.

Gudoomiyaha Guddiga Qorsheynta , Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka BJFS, Mudane Maxamuud Siraaji ayaa sheegay in safarkan shaqo ahmiyadd ugu wayn  ay tahay turxaan xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka oo muhiimad wayn u leh dalkeena.

“Muhiimada ayaa ah in aan  durusno xeerka Istaatisikada Soomaaliya, annaga oo eegayn ka dalka Rwdanm si aan ugu qaado aragti iyo waayo aragnimo ah, guddiiga kale ee dhigeena wax ay noo soo bandhigeen Miisaaniyadda dalkan Rwanda iyo hanaanka loo diyaariyay sida korjoogteyda, xisaab  xirka, waan u Wasaaradda Qorsheynta Qaranka dalka wax ay qaadatay talaabo wanaagsan oo aan ku odarasnay ahmiyadd xeerka Istaatikada u leeyahay dalka”Ayuu yiri Maxamuud Siraaji

Wasiir fahma Axmed Nur ayaa  dhinaceeda bogaadisay  sida wanaagsan  ugu socda safarka shaqo guddiga, iyada-oo diiradda saartay sida ay u kala faa’iideysan lahayn hay’addaha sharci dejinta dalkana Rwanda iyo kan Soomaaliya.

Inta  ay ku sugan yahiin guddiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda  Soomaaliya ayaa  fiirin doona xeerka Istaatikada, heygalkiisa iyo gunta hoose sharciga ahmiyadda dalka u leeyahay.


Puntlandes.com

About The Author