Ciidanka Kenya oo diley saddex nin oo miino aasayay

16 July 2019 (Puntlandes) Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Kayunga ee xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay ku dileen saddex ruux oo miino ku aasayay waddo ay gaadiidku maraan.

Booliska ayaa sheegay in raggan la diley ay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab ayna doonayeen inay miinada ku waxyeeleeyaan dadka ku safra wadadaas.

Is rasaaseyn dhexmratay ciidamada iyo ragga ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhaawacantay laba ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya.

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayeen xog ku saabsan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Kayunga,sidoo kalena ay weli raad joogaan xubno kale oo ka tirsan Alshabaab.

Deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo lala eegto Ciidamada Booliska Kenya, iyadoo qaraxyadaas mas’uuliyadooda sheegta Alshabaab.

Puntlandes.com

About The Author