Daawo Sawiro hordhaca oo ku saabsan Booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Bursaalax ku tagay Mudane Xassan Yuusuf Dhuux‏ iyo Warbixintiisii

Gaalkacyo (Pes)  Mudane Xassan Yuusuf Dhuux ”Xassan Garabeey” oo ka mid ahaa aasaasayaashii Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ayaa wuxuu Booqasho ku tagay Mashruucaas isagoo u kuurgalayey sida uu ku socdo Mashruucu iyo xaalada guud Mashruucaas.

Faahfaahin waxqabadka iyo Mashruuca ku saabsan halkan ka akhri

Sawiro: Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ”Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October” Qaybtii 1aad

Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ”Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October” Qaybtii 2aad

Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ”Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October” Qaybtii 3aad

Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ”Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October” Qaybtii 4aad

 Mudane Xassan Yuusuf Dhuux ayaa wuxuu yiri mar wax laga waydiiyey wuxuu ku soo arkay Mashruuca ”Mashruucii markii aan si fiican u faaqiday uguna dhuungalay waxaan ku arkay runtii wax lagu farxo. Kuleejadii si fiican baa loo habeeyay loona dayactiray”

Mudane Xassan Yuusuf Dhuux oo sii sharaxaya waxyaabihii uu ku soo arkay Mashruuca Bursaalax ayaa yiri ”Nidaamka guud oo mashruucana sifiican baa loo hagaajiyay,wax barashadana si tayo leh baa loo habeeyay”

Mudane Xassan Yuusuf Dhuux oo sharxaya baahiyaha uu Mashruucu iminka u baahan yahay ayaa yiri ”Isbitaalkii oo shaqaynaya haween badana ay ku umulaan wax badana u baahan oo ay ugu horayso Ex-ray iyo weel jeer iyo daawo. Ceelasha biyaha ayaa wax qabad iyo gurmad deg dega u baahan iyagoo hada si ciriiriya ku shaqeeya”

Mudane Xassan Garabeey oo codsi u diraya Jaaliyadaha dibada ayaa yiri ”Cidii intaas wax ka qaban karta waxaan ku dhiiri galin lahaa in ay tilaabo deg deg ah qaadaan si wax looga qabto baahiyaha jira”

Ugu dambayntii waxa uu Xassan Garabeey  sheegay in ay hawsha Mashruucu ku socoto si heer sare ah isagoo yiri ”Waxaan idiinku bishaaraynayaa in hawshii aynu wadnay ay ku socoto si aad uga fiican wixii aynu filaynay Mashruucuna yahay mid si buuxda u hirgalay”

Daawo sawiro
1

2

3

4

5

6

7

8

10

11

12

13

14

15

16

17

18
Puntlandes Gaalkacyo

About The Author