Puntland oo xabsiga u taxaabtay guddoomiyiha guddigiii dhisayey wada Bosaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay ciidanka Puntland xabsiga u taxaabeen guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Bosaso Sheekh Maxamed Macallin Axmed.

Sheekha ayaa waxaa lagu xarigga lacagtii uu gudigiisu ka gudoomay dawlad Federaalka, xariga ayaa ku soo beegantay iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan saddex xubnood oo ka tirsan guddigaasi oo Khamiistii xabsiga la dhigay.

Sheekh Maxamed oo ah Sheekh Soomaaliya oo dhan caan ka ah kana shaqeeya arimaha samafalka ayaa ku sugnaa maalmihii u dambay magaalada garowe, iyadoo la xiray markii uu ku laabtay magaalada Bosaso.

Dhinaca kale guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari ayaa caawo qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in wax shirar ah oo aan dowladda fasax ka haysan lagu qabto magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi.

“Guddiga Nabad-galyada ee Gobolka Bari wuxuu ka digayaa Shirarka iyo kulamada siyaasadeysan ee ka dhanka ah jiritaanka Puntland, waxaana la farayaa dhamaan Masuuliyiinta Hoteelada iyo Goobaha Shirarka inaan lagu qaban karin wax Kulan ah oo aan fasax looga heysan Gobolka, Taliska Booliska iyo degmada”. ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntlandes.com

About The Author