Akhriso Maxkamadda sare ee Puntland oo muddaysay dhegaysiga dacwadda kiiskii Caasha Ilyaas

22 July 2019 (Puntlandes) Maxkamadda sare ee dowladda Puntland ayaa muddaysay dhegaysiga dacwadda loo haysto saddex nin oo ku eedaysan kiiska kufsigii iyo dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caasha Ilyaas Aadan.

Eeedaysanayaasha oo kala ah Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame ayaa hore Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay ku ridday xukun dil ah kaasi oo Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaalna ay ku raacday.

Balse mar kale ayay rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland oo ah heerka ugu sarreeya ee hay’adaha Garsoorka waxaana haatan laga war sugayaa dhegaysiga dacwaddasi.

Hoos ka akhriso qoraalka

Puntlandes.com

 

About The Author