Akhriso DFS oo shaacisay in Liiskii odayaasha dhaqanka Jubbaland uusan aheyn mid sax ah

23 July 2019 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Liiska Odayaasha dhaqanka Beelaha ee soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland uusan waafaqsaneyn diiwaanka Wasaaradda ee dhaqanka rasmiga ee Beelaha Jubbaland.

Qoraal wiifto ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay ka digtay khatarta ka imaan karta haddii la guda galo xulida Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo aan la sixin liiska odayaasha dhaqanka ee howshaas is ka leh.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay kala shaqeyneyso wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland soo saarista liiska rasmiga ah ee odayaasha dhaqanka Jubbaland ee soo xulaya Xildhibaanada.

Akhriso qoraalka

Puntlandes.com

About The Author