Qarax xooggan oo ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir

23 July 2019 (Puntlandes) Qarax xooggan ayaa ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo uu halkaas ka socdo shirkii cadiga ahaa ee maamulka gobolka iyo degmooyinkiisa

Qaraxa oo aan weli si rasmi loo ogeyn nuuciisa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay hoolkii uu shirku ka socday uuna sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inay arkayeen Guddoomiye Yariisow oo dhaawac ah oo garbaha laga sii waday, oo dhaawiciisa loo qaaday Isbitaalka Digfeer.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inuu jiro dhaawacyo kale oo soo gaaray qaar ka mid aj guddoomiyeyaasha degmooyinka.

La soco wixii warar ee ku soo kordha wararkeena dambe

About The Author