Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Xarunta dowladda Hoose

23 July 2019 (Puntlandes)  Qarax xooggan oo galabta ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hoolka Shirarka oo uu ka socday shirkii maamulka ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kuxigeenadiisa iyo  Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa.

Sida warar sheegayaan warar horudhac ah, qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid ismiidaamin ah, halka warar kalena ay tibaaxayaan inuu ahaa mid lagu sii diyaariyay hoolka shirarka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yariisow ayaa waxaa qaraxa ka soo gaaray dhaawac culus, halka ay jireen qaar kale oo Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo iyana la sheegayo in dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray.

Isbitaalka Digfeer ayaa la geeyay dhaawacyada ugu badan dadka wax ku noqday qaraxa ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Banaadir.

Illaa iyo hada waxaa adag in la helo warar sugan, iyadoo daqiiqadba daqiiqada ka dambeysay ay iska soo daba dhacayaan wararka, xaalkuna waxaa uu yahay mid cakiran.

Puntlandes.com

About The Author