GAROWE: Beesha Cumar Maxamuud oo ka shiray mashaariicda horumarineed ee gobolka Mudug & habacsanaanta ka jirta qaarkood

Deegaanka Jibigale oo ku yaala duleedka caasimada dawladda Puntland ee Garowe ayaa waxaa shalay dhacay kullan ballaaran oo ay ku yeesheen beesha Cumar Maxamuud.

Kullanka oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiin, nabadoono, xildhibaano, saraakiil iyo waxgarad  beesha ah ayaa waxaa lagu falanqeeyey mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka gaar ahaan dhismaha Garoonka Gaalkacyo iyo Dekedda Garacad (Dhismaha Dekedda Garacad ayaa ku socota si isku tashi ah).

Kullanka ayaa dulucdiisu ahayd, laguna falanqeeyey, carqabadaha hortaagan inuu bilowdo dhismaha Garoonka Gaalkacyo iyo sidii loo dar dar galin lahaa dhismaha Garoonka.

Madaxweynahii hore ee dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa dhagaxdhigay Goroonka 29kii april 2017kii, iyadoo ay dawladdiisu heshiis kula gashay inay dhisto garoonka shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo la yiraahdo China Civil Engineering and Construction Company (CCECC), taas oo dhistay Garoonka Bosaso.

Shirkadda CCECC oo doonaysa inay fuliso heshiiskaas ayaa waxay qandaraas ku siisay shirkada Albaashi, si ay u dhisto siliga Garoonka isla markaan ay banayso dhulka Garoonka ka kooban yahay.

Waxaa kullanka dhaliyey kadib wal wal iyo habacsanaan ay Beesha Cumar Maxamuud ka dareentay dhanka maamulka Puntland, iyadoo ay jiraan carqabado muuqda oo uusan maamulku waxba ka qaban iyo kuwo uu isagu abuuray.

Shirkada Albaashi ma aysan bilaabin shaqadii ay u xilsaartay ama ay qandaraaska ku qaadatay ee ahayd dhisida siliga iyo banaynta dhulka Garoonka mana muuqato iminka inay talaabadaas bilaabayso, kadib markii ay dhanka dawlada shaqadii ay gaabis ka noqotay ama ay ka cago jiiday.

Dhulkii Garoonka waxaa haysta dhalinyaro sheeganaya inay iyagu leeyihiin, waxayna ugu muuqatay ka soo qaybgalayaasha kullanka inay dawladda ka qaadin talaabadii ay ahayd inay ka qaado dhalinyaradaas ama ay iyadu raali uga tahay inay dhulka ay haystaan.

Waxay sidoo kale Dawladu ay cayrisay ama ay mushahaarkii ka goosatay 30 ka mid ah ciidankii hore ee waardiyeyn jiray qalabkii shirkadu u keentay inay ku dhisto Garoonka  oo tiradoodu ay ahayd  50, iyadoo kusoo  reebtay 20 askari liiska mushahaarka taas oo ah carqabad kale ah,  muujinaysanaysa inaysan dawladda dan ka lahayn inuu dhismo Garoonku.

Ciidankaas 50 ahaa dawladda Puntland ayaa gaysay halkaas wuxuuna ka mid ahaa Ciidamada dawladda, haddii ay dawladdu u aragto inay dhinto tirada Ciidanka xaq bay u leedahay laakiin waxay ahayd inay shaqo kale ama goob kale oo ciidan loo wareejiyo laakiin ma ahyn in la yiraahdo waa la idin cayrshay, taas oo abuuri karta inay carqabad ku noqdaan dhismaha Garoonka.

Qalabkii lagu dhisayey Garoonka ayaa waxay shirkadda CCECC gaysay goobta laga dhisayo Garoonka kal hore, qalabkan ayaa intiisa badani waxay shirkada u taalay xarun wayn oo ay ku lahayd magaalada Bosaso waana qalabkii ay Shirkada CCECC ku dhistay Garoonka Bosaso, waxaana ay shirkadu usoo rartay Gaalkacyo gaar ahaan goobta laga dhisayo Garoonka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dhabancad ayaa isna fartu ku godan tahay inuu carqabadda qayb wayn ka yahay, isagoon diidan in Garoonka laga dhiso goobta loo asteeyey.

 

Waxaa sidoo kale madaxweynaha culays kale saaray kooxda Aaran Jaan iyo Faroole oo aan doonayn in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug yeelato Garoon Caalami ah, ama ay ka hirgalaan wax horumar ah.

Kooxda xagjirka ah ee Aaran Jaan iyo Faroole ayaa aragtidoodu waxay tahay inuusan dhismin Garoon caalami ah oo ay yeelato Gaalkacyo si uusan ula tartamin Garoonka Garowe.

Kooxdaas oo keensatay madaxweyne Deni ayaa waxay ku cadaadinayaan inuu ku fashiliyo wado kasta oo uu u mari karo fashilinta dhismaha garoonka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan kooxda Aaran Jaan/Faroole iyo madaxweyne Deni in dood dheer iyo falanqayn ka dib ay isla garteen inay noqdaan Wasiir Dhabancad iyo koox dhadhamo raac wadada ay u marayaan fashilinta dhismaha Garoonka Gaalkacyo.

Garoonka Bosaso wuxuu madaxweyne Deni ku wareejiyey Shirkad laga leehayay dalka Imaaraadka, iyadoo ballaaarin doonto kana bilaabaysa Garoonka duulimaadyo toos ah, kan Garowena waxaa ka bilaamay duulimaadyo toos ah halka kii Gaalkacyo carqabado badan loo dhigay si uusan u dhismin.

 

Ka qayb galayaashii kullanka ayaa isla qaatay inay u guntadaan sidii  madaxweynaha iyo dawladdiisaba ay uga hor qaadi lahaayeen carqabada ku horgudban inuu bilowdo dhismaha Garoonka Gaalkacyo kana bilowdo goobtii loo asteeyey.

Madaxweyne Deni isaga ayey amaan iyo sharaf u tahay inuu ka shaqeeyo sidii uu ku hirgeli lahaa heshiiska dawladda Puntland iyo shirkadda CCECC uuna u bilaaban lahaa dhismaha Garoonka.

Eedda haddii uu dhismi waayo garoonka waxay kali ku tahay madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, cid kale oo la wadaagaysaana ma jirto haddii ay noqon lahayd wasiirada arimaha Gudaha iyo Duulista ama shaqsiyaad kale.

 

Ugu dambayntii shacabka gobolka Mudug waxay ka rajaynayaan inuu madaxweyne Deni qaato mas’uuliyadiisa kuna dadaalo sidii uu uga shaqayn lahaaa inuu ka horqaado carqabadaha ku horgudban bilaabashada dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Puntlandes.com

About The Author