Khayre & Ahlusuna oo ku kala booday cida sugaysa amaanka Dhuusamareeb

28 July 2019 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is faham waa uu ku soo dhamaaday kulamo saacadihii u dambeeyay u socday Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Hoggaanka Ahlusuna.

Xalay kulamo ay isugu yiaadeen ayaa waxyaabaha la isku khilaafay waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyadda Amniga magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dowladda Federaalka dooneyso in Ciidamo gaar ah lagu wareejiyo, halka Ahlusuna ay diidan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlusuna ay diidan yihiin in saameyntooda ay meesha ka baxdo, haddii Ciidamo ka madax bannaan iyaga la wareegaan magaalada.

Diyaarad Ciidamo uu dalbaday Khayre looga daabulay Muqdisho ayaa shalay Ahlusuna u diiday inay degto, iyadoo dib laga soo celiyay Muqdisho.

Heshiis hoose oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaanka Ahlusuna horay u gaareen ayaa waxaa ka mid ahaa in amniga magaalada la wareegto dowladda Federaalka, ciidanka Ahlusuna la qarameeyo, lana xareeyo, tababarna loo furo, inkastoo lagu guuleystay diiwaan gelinta ciidamada.

Caqabadaha iyo culeysyadan soo wajahay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo muddo bil iyo maalmo ku sugan deegaanada Galmudug waxay keenaysaa inuu fashil ku yimaada isku daygiisii, kaliya miraha laga dhaxlo uu noqon doono burburin maamulka Galmudug.

Puntlandes.com

About The Author