Daawo Video: Madaxweyne Muuse Biixi oo si adag uga hadlay ciidamo laga laayay Ceel Afwayn

29 July 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa si adag uga hadlay ciidamo ka tirsan Somaliland oo lagu laayey degmada Ceel Afweyn.

Biixi ayaa sheegay inaysan marnaba u dulqaadan doonin in macno la’aan lagu laayo ciidamada Somaliland, isla mrkaana talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo isku dayda inay waxyeelo u geysato ciidamada.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxan tacsi u dirayaa ciidankii qaranka Booliska ee lagu laayey Ceel-Afweyn, oo aan la garaneyn sababta loo laayey, kuwii dhintay Allaha u naxariisto, kuwa noolna Allaha noo cafimadiyo”.

“Garan mayno wax ciidankaa lagu laayey, wax dhibaato ah oo ciidankaas iskugu yimaadan oo lagu laayo oo maanta la qiri karaa ma jirto, cisho dhoweyd unbey aheyd markii hore loo laayey Saraakiishii booliska ee jeelka iyagana wax lagu laayey la garaneyn”.

“Waxaa la yaab leh in Cid ama Reer uu ciidanka qaranku si dhib yar iskaga laayo, dabadeetana haddii qaranku dul-qaato uu yidhaahdo bal ‘nabada ha la ilaaliyo oo halkan ha loo wareego’ inay noqoto wado xalaala in ciidankii qaranka la laayo maalin walba”.


Puntlandes.com

About The Author