Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka oo sheegay inay ku qanci waayeen jawaabihii Wasiir Cawad

29 July 2019 (Puntlandes) Guddiga Arrimaha Diabdda ee Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay inay ku qanci waayeen jawaabaha su’aalo ay shalay weydiiyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad, kaasoo wax laga weydiiyay saameynta Qatar ee Soomaaliya iyo warbixintii ay qortay New York Times ee ahaa in Qatar ku lug leedahay qarax ka dhacay Bosaso.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan Guddiga ayaa sheegay in Wasiirka ay weydiiyeen su’aalo guud iyo su’aalo gaar ah, gaar ahaan warbixinta New York Times ee ahaa in Qatar ku lug leedahay falal ka dhacay Bosaso.

Waxaa uu sheegay in Su’aalihii ay weydiiyeen Wasiirka aanu si fiican oo lagu qanci karo uga jawaabin, sidaas darteed ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ugu yeeri doonaan, si hortooda ugu jawaabo su’aalaha ay qabaan.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Wasiirka ay wax ka weydiiyeen heshiis uu ku soo galay dalka Morrocco, balse aanu sheegin wuxuu ahaa, isla markaana jawaab sax ah oo lagu qanco ka bixinin.

Tallaabada uu Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka u qaaday inuu ugu yeero Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ah mid dhif iyo naadir ah oo ku aadan la xisaabtan Golaha Shacabka ee Xukuumadda, iyadoo aanay horay sidaan u dhicin Wasiir loo yeero in Guddiyada Joogtada uu hortago, waxaana loo arkaa mid bilow u ah in Golaha Shacabka wixii hadda ka dambeeya inuu hurdada ka tooso oo uu bilaabo la xisaabtanka dhabta ah ee Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Daawo markii waraysigii shalay

Puntlandes.com

About The Author