Ciidamo dowladda Soomaaliya ay u dirtay Galmudug oo loo celiyay

28 July 2019 (Puntlandes) Ciidamo uu Muqdisho ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa mar kale saaka loo diiday inay ka degaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Ahlusuna, kuwaas dib looga celiyay Muqdisho oo ay markii hore diyaarado looga daabulay.

Maamulka Ahlusuna ayaa Ciidamo aad u fara badan dhigtay garoomada diyaaradaha ay maamulaan ee Guriceel iyo Dhuusamareeb, kuna wargeliyey diyaaraddii siday ciidanka inaysan soo degi karin..

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa la soo sheegayaa inay xalay isla qaateen in askar tira yar la geeyo magaalada Dhuusamareeb, laguna biiriyo askarta Ahlusuna, si ay wadajir u xaqiijiyaan ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashada.

Balse waxaa saaka lagu soo toosay, iyadoo garoonka Ugaas Nuur ay Ahlusuna ku xiratay qoriga Zuuga loo yaqaan, iyagoo ku hanjabay inay burburin doonaan diyaaradii Ciidamo sida ee magaalada soo caga dhigata, waana taa mida keentay in askarta dib loogu soo celiyo Muqdisho.

Arrintan ayaa sare u sii qaaday khilaafka Xukuumada iyo Ahlusuna, waxaana laga cabsi qabaa in magaalada uu ka qarxo dagaal, maadaama Ciidamo kala duwan ay isla joogaan, iyadoo ay socdaan kulamo wajiyo kala duwan leh oo salka ku haya xiisada taagan.

Ahlusuna ayaa dareensan in hadii askar la geeyo xarunta gobolka Galgaduud ay meesha ka bixi karto saameyntooda, waxaana ay la cabsi qabaan in haddii amniga magaalada lagala wareego ay dhacdo si la mid ah tii ka dhacday Baydhabo bishii December, xilligaasoo ciidamo la geeyay magaaladaas oo ka qeyb qaadanayay sugida amniga doorashadii Koofur Galbeed ay xireen Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta, isla markaana xariggiisa ay sababtay rabshado dad badan ku dhinteen.

Puntlandes.com

About The Author