Sawirro: Guddoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka sare oo soo gaaray magaalada Garowe (muuqaal)

30 July 2019 (Puntlandes) Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Aqalka sare ee BF Soomaaliya Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) iyo wafdi uu hogaaminayo oo kooban xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe Puntland.

Sidoo kale waxaa Garowe ku sugan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo xubno weheliya kaasi oo shalay soo gaaray caasimadda Puntland xalayna la kulmay madaxweyne Deni.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Garowe u yimid ka qeyb-galka xiritaanka Kalfadhiga 44-aad ee Baarlamanka Puntland iyo sidoo kale ka qeyb-galka munaasabadda ballaaran ee xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-da Agoosto 1998.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta ayaa la filayaa in mudada ay Garowe joogan ay dowladda Puntland kala hadli doonaan arrima ku khuseeya xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn.

 



Puntlandes.com

About The Author