Odoyaasha Cadaado oo Guddiga qabanqaabada Shirka Galmudug ka diiday ka qaybgalka shirka

30July 2019 (Puntlandes) Kulan ay yeesheen guddiga qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo oday dhaqameedyada Cadaado ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Odayaasha Cadaado ayaa u sheegay guddiga in gabi ahaan aysan tagi doonin magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, iyagoo sheegay in magaalada Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka ayna waajib tahay in la isugu yimaado si loo dhiso Galmudug.

Sidoo kale Odayaasha ayaa la sheegay in ay doonayaan in marka hore la xaliyo tabasho ay ka qabaan dowladda federaalka, markaas kaddibna loo gudbo xal kagaarista halka lagu qabanayo shirka dib-u-heshiinta oo hadda gogo shiisu taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiinta beelaha Galmudug ayaa sheegay in go’aanka reer Cadaado u geyn doonaan madaxa dowladda Soomaaliya ee soo Magacaawday gudigaan.

Puntlandes.com

About The Author