Guddiga Qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo shuruud adag ku xiray qabashada shirka

01 August 2019 (Puntlandes) Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa sheegay in aan shirka la qaban karin, iyadoo amniga magaalada Dhuusamareeb aysan si buuxda gacanta ugu heyn Ciidamada dowladda Federaalka.

Dr. C/raxmaan C/llaahi Baadiyow ayaa sheegay in kulamo Guddigooda ay la qaateen Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Sheekh Shaakir ay kala hadleen in Ciidamada dowladda Federaalka la keeno Dhuusamareeb, si ay u sugaan amniga xarunta iyo guud ahaan magaalada.

“Waxaa la kulanay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sheekh Shaakir, waan u sheegnay anaga Guddiga qaban qaabada maadaama aan nahay meel aan amnigeeda sugneyn oo aysan si buxuda gacanta ugu heyn Ciidamada Federaalka oo aan deegaanka aheyn haddii aan la keenin in aanay dadka u yeeri karin”ayuu yiri Baadiyow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaanka Ahlusuna ay intaba ka balan-qaadeen in Ciidan la keeno Dhuusamareeb oo amniga magaalada si buuxda ula wareega.

Khilaaf ayaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa Ciidamo lagu waday in la geeyo Dhuusamareeb, waxaana labo jeer la celiyay diyaarado ciidamo looga soo daabulay Muqdisho oo laga soo dejin rabay Dhuusamareeb iyo Cadaado, waxaana diiday in ciidamo la keeno Hoggaanka Ahlusuna.

Ra’iisul Wasaaraha oo muddo bil iyo dhowr cisho ku sugan Dhuusamareeb ayaa dhowr jeer oo hore waxaa soo wajahay culeysyo uu horay uga soo gudbay, taasoo keentay in howshii uu u joogay ay daba dheeraato, isla markaana marka habeen xal laga gaaro arrimaha amniga Dhuusamareeb in subaxdii kale meesheyda lagu noqdo oo xaalada ay hadana cakirnaato.

Puntlandes.com

About The Author