Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray qaraxii xarunta gobolka

01 August 2019 (Puntlandes) Allaha u naxariistee waxaa Isbitaalka ku yaal magaalada Doxa ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay todobaadkii hore Xarunta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow oo dhaawiciisa ahaa mid culus ayaa khamiistii hore loo qaaday dalka Qatar, iyadoo muddo todobaad ah lala tacaalayay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar ayaa xaqiijiyay geerida Eng. Yariisow oo muddo todobaad ku jira xaalad koomo ah oo dhaqaatiirtu la tacaalayeen, waxaana dhaawaca ugu culus uu ahaa dhanka madaxa.

Puntlandes.com

About The Author