Akhriso Guddi doorasho oo labaad oo looga dhowaaqay Jubaland (muuqaal)

Musharaxiinta-Jubaland

08 August 2019 (Puntlandes) Golaha Badbaadada Jubaland ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada Jubaland, oo ah mid ka madax banaan guddiga uu horey u magacaabay maamulka Jubaland.

Qoraal kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay inay qaadeen tallaabadan kadib markii sida ay sheegeen maamulka Jubaland “uu ku guul-darreystay wax kasta oo laga rabay si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.”

Golaha badbaadada ayaa sidoo kale sheegay inay talo-bixin arrintan ku aadan ka heleen odayaasha dhaqanka Jubaland, si loo dedejiyo hanaanka soo xuliska xildhibaannada.

Hoos ka akhriso

Puntlandes.com

About The Author