Sawirro: Gudoomiyaha Xisbiga Hilmilo Qaran, xildhibaan Sulayman oo booqasho ku gaaray dalka Maraykanaka

15 August 2019 (Puntlandes) Xildhibaan Sulayman Maxamuud Xaashi (Xuubsireed) oo ka tirsan xildhibanada golaha Shacabka BFJFS ahna Gudoomiyaha Xisbiga Hilmilo Qaran ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyaay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota.

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ayaa si qurux badan ugu soo dhaweeyaay airport-ka magaalada Minneapolis Xildhaanka, isagoo marti qaad ka helay jaaliyada Soomaaliyeed ee North America isagoo u ku soo hormaray gobolka Minnesota.

 

Xildhaanka ayaa uga mahad celiyaay jaaliyada sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, taas oo ka tarjumaysa jacaylka au  u hayaan dowladnimada Soomaaliya.

Xildhaanka ayaa la wadaagay jaaliyada salan uu ka wado Xildhibaanada labada Aqal ee  Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda xisbiga Hilimo Qaran ee uu Gudoomiye ka yahay Xildhaanku.

 

Xildhaanka ayaa loo galbiyay hoyga loo diyaariyay in uu ka dago magaalada, wuxuuna jaaliyada Soomaaliyeed gobolka Minnesota u sheegay in ay waqti iyo kulmo wada qaadan doonaan xogta dalka Somalia uu la wadaagi doono.

 

Xildhaan sulaymaan ayaa safarkiisa North America uu ku yimid noqon doona mid guud ahaan uu ku maro inta badan gobolada dalka Mareykanka ee ay u badan yihiin jaaliyada Soomaalidu.


Puntlnades,com

About The Author