Madaxweyne Deni oo Aaran Jaan ugu daray gobolka Mudug shido abuurka wasiir Dhabancad!!

Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ay shacabka Puntland ku naceen kooxda dalka la xukunta ee Aaran Jaan ayaa waxa uu gobolka Mudug oo ku yaal meel aad xasaasi ah ugu daray inuu u dhagaysto wasiirkiisa arimaha gudaha Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo ku haylan shido abuur, kicin iyo inuu shacabka gobolka Mudug ka horkeeno dawladda.

Wasiir Dhabancad oo kusoo guuldaraystay kuna fashilmay booqashadii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu iminka ku hawlan yahay kicinta shacabka gobolkaas.

Dhabancad oo aan qarsan cadaawada uu u hayo Beel ka mid ah beelaha dega gobolka Mudug, isagoo dambi uga dhigay kana dhaadhiciyey madaxweyne Deni inay taageeri jireen dawladdii hore ee uu madaxweynaha ka aha Dr Cadiweli M. Ali Gaas, taas oo ay taageeri jireen shacabka Puntland, beeshiuna aysan kaligeed ku ahayn.

Ugu horayn Dhabancad waxa uu ka shaqeeyey inuu ka dhaadhiciyo Deni inuu ku cadaadiyo inuu xilka baneeyo taliyihii hore ee Ciidanka Daraawiishta Puntland, isagoo taliye xigeen u keensaday nin ay isku jifo hoose yihiin iyadoo isla markaasna uu taliye xigeenka Booliska yahay nin kale oo ay isku jifo hoose yihiin.

Dhabancad ayaa Xeer ilaaliyaha gobolka Mudug u magacaabay wiil ay jifo hoose yihiin oo uu adeer yahay, sidoo kale waxa uu maamulaha Iskuulka Cumar Samatar u magacaabay wiil ay isku jifo hoose yihiin isagoo ka qaaday maamulhii loogu jeclaa golobka Mudug oo waliba abti dhow uu u yahay.

Dhabancad ayaa wuxuu sidoo kale Taliyaha guud ee Turbataariyada Puntland u magacaabay Afdalow oo ay isna jifo hoose yihiin isla markaasna isla yihiin Bihna Nuur.

Shalay ayaa waxaa la shaaciyey xeer uu madaxweyne Deni xilka uga qaaday Agaasimahii Waaxda Daryeelka Bulshada (IDP’s& Refugee) ee wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland Burhaan Huruuse Xaashi oo xilkiisa ku waayey talo soo jeedinta wasiir Dhabancad taas oo ku salaysan beesha uu kasoo jeedo.

Dhabancad ayaa wiil ay isku jifo hoose yihiin shalay u magacaabay madaxa Warbaahinta wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyadda dawladda Puntland. taas oo ah shaqo aan horay u jirin uuna u abuuray wllkaan.

Wasiirku haddii uu cid xil ka qaadayo muu ka qaato gabadha ay isku jifada yihiin ee ka xilka ka haysa isla wasaaradiisa, waa isaga ay indhiisu arkaan dadka kale e?

Sida ka muuqata hab-dhaqanka wasiirka iyo hungurixumadiisa siyaasadeed ma matali karo gobolka Mudug oo ah gobol aad xasaasi ah, gaar ahaan beelwaynta Cumar Maxamuud oo uu kasoo jeedo kursigana ugu fadhiyo..

Kana siib kana saarta uu wado Wasiir Dhabancad waa kicin bulsho iyo xasarad abuur, waxayna dib ugu soo noqonaysaa madaxweyne Deni oo ah nin ciilqaba dhagaysanayana nin Ciil qaba.

Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)

Puntlandes.com

About The Author