Shirkii Dib u heshiisiinta Galmudug oo markii labaad baadqay

17 August 2019 (Puntlandes) Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo lagu waday in maanta oo sabti ah ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayaa markii labaad baaqday, iyadoo ay horay u iclaamiyeen Guddiga qaban qaabada Shirweynaha dib u heshiisiinta inuu furmi doono 17 bisha Agosto.

Ergadii ka qeyb geli laheyd shirkaas oo ka soo kale jeeda Beelaha dega Galmudug aan soo gaarin magaalada Dhuusamareeb, taasna ay sabab u aheyd inuu shirka dib u dhaco.

Qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug ayaa horay u qaadacay shirkaas, waxaana war ka soo baxay shirka ka socda Hobyo oo ay soo saareen Odayaal iyo waxgarad lagu baaqay in shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb dib loo dhigo.

Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa caqabado badan soo wajahayay maalmihii u dambeeyay, inkastoo qeybo ka mid ah caqabadaha la xaliyay, weli waxaa taagan caqabado ka heysta isu keenida ergooyinka beelaha ka socda.

Waa markii labaad oo Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug uu dib u dhaco, iyadoo 5-tii bishan Agosto uu dib u dhac ku yimid.

Puntlandes.com

About The Author