James Swan oo ka hadlay Doorashada Jubbaland baaqna u diray

17 August 2019 (Puntlandes) Wakiilka QM ee Soomaaliya, James Swan ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada Jubbaland in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka taasoo aan la fulin qaar ka mid ah qodobadaas.

Warqad uu u direy guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ugu horeyntii loogaga mahadceliyay guddiga go’aanka ay saddex maalmood dib ugu dhigaan doorashada madaxweynaha.

James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland.

“Warqaddeeni 8-da August, ee aan kuu soo diray aniga oo wakiil ka ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, la isku raacsan yahay, la isku haleyn karo , islamarkaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubaland.” ayuu ku qoray James Swan qoraalkii uu u direy guddoomiyaha doorashada Jubbaland Xamza.

Wakiilka QM ayaa ku xusay qoraalkiisa in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland.

“Guddiga doorashada haddii uusan wax laga qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland” ayuu sii raaciyay James Swan.

Hase yeeshee qoraalkan loo direy guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland ayaan lagu xusin mowqifka ay beesha caalamka ka qabaan doorashooyinkii soo kala horjeeday ee maanta lagu doortay labo guddoomiye baarlamaan oo maamulka Jubbaland ah.

Puntlandes.com

About The Author