Sawirro: Wasiir Maareye oo furay shir ku saabsan dhaqan gelinta istiraatiijiyadda wacyigelineed ee qaranka (DFS & dawlad goboleedyada)

18 August 2019 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta furay shir wada-tashi ah oo muddo sadex cisho ah magaalada Muqdisho uga soconaya Wasaaradaha Warfaafinta dowlad-goboleedyda iyo dowladda Dhexe.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada Warfafinta ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Puntland, iyo wakiillo ka socda gobolka Banaadir iyo warbaahinta gaarka loo leeyahy, waxaa looga hadlayaa sidii labada dhinac  iyagoo mideysan loo dhaqan galin lahaa istiraatiijiyadda wacyigelineed ee qaranka oo la ansixiyay sannadkii hore.

Shirka ayaa sidoo kale looga doodi doonaa mideynta farriimaha wacyigelineed ee xiriirka la leh arrimaha dowlad-wanaagga,  xagjirnimada, argagixisada, iyo qabyaalladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shirka furay ayaa u mahad celiyay wasiirrada iyo wafdiga ka yimid dowlad-goboleedyada iyo warbaahinta gaarka ah. Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in talada iyo kheyraadka la wadaago si loogu shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed, sidaa darteedna ay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku ay dowlad-goboleedyada la yeelanayso is-kaashi joogto ah si adeeg wanaagsan loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirrada Warfaafinta dowlad-goboleedyada oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay waajib tahay in si mideysan loo wajaho arrimaha xiriirka la leh wacyigelinta bulshada, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in istiraatiijiyadda qaran ee wacyigelintu ay aasaas u ahaan doonto arrintaas.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa xiriir wada-shaqeyn oo joogto ah la leh wasaaradaha warfaafinta ee heer dowlad-goboleed, iyagoo si wadajir ah u soo saara siyaasado iyo qorsheyaal lagu horumarinayo warbahinta Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author