Sawirro: Xafladda Soo Dhawaynta Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran oo Ka Dhacday Dalka Maraykanka

19 August 2019 (Puntlandes) Munaasabad aad u ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalada Minneapolis. Munaasabadaan ayaa ahayd mid lagu soo dhawaynayay Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi Xuubsireed iyo wafdiga uu hoggaaminayay oo booqasho ku soo gaaray dalka Maraykanka.

 

Xafladdaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota, oo ay kamid ahaayeen Culimada, Dhaqanka, Aqoonyahaynka, Haweenka, Dhallinyarada, Fannaaniinta, Warbaahinta iyo Dhammaan bulshada qeybeheeda kala duwan.

 

Xafladdaan dadki kala duwanaa ee hadallada kasoo jeediyay ayaa dhammaantoodba aad usoo dhaweeyay una bogaadiyay Xisbiga Himilo Qaran, iyagoo sheegay inuu yahay Xisbiga ugu habboon in lagu aamino talada Dalka, si uu Umadda usamata bixiyo.

 

Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi Xuubsireed oo soo xiray Xafladda ayaa ugu horreyn ammaan usoo jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota isagoo ku ammaanay isku duubnida ka dhex jirta had iyo jeer iyo siday u garab taagan yihiin dowladnimada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Guddoomiye Xildhibaan Suleymaan ayaa wuxuu Jaaliyadda uga mahad celiyay sida quruxda badan ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisaba, wuxuu Jaaliyadda la wadaagay xaaladda guud ee uu Dalkeennu Marayo.

 

Guddoomiye Suleymaan ayaa aad u faahfaahiyay baahiyaha loo qabo Xisbiyo Siyaasadeed oo Dalka ka hana qaada si looga baxo nidaamka qabiilka ku dhisan ee 4.5. Xildhibaanku isagoo ka hadlayay ujeeddooyinka loo aasaasay Xisbiga Himilo Qaran ayuu yiri: “Dhisidda Xisbiga Himilo Qaran in muddo ah baan ka shaqaynaynay, ilaa ugu dambeyn markaan shuruudihi la iska doonayay soo buuxinnay nala guddoonsiiyay Shahaadda Aqoonsiga, Waxaana ugu talo galnay inuu Xisbigaan umadda u horseedo Caddaalad, Damaanad qaad daryeel, Xorriyad iyo Nabad gelyo”.

 

Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi Xuubsireed ayaa aad u faahfaahiyay Xisbiga Himilo Qaran iyo Golayaashiisa, wuxuuna yiri: “Xisbiga Himilo waxaa yagleelay muwaaddiniin Soomaaliyeed oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada, waana Xisbi Siyaasi ah oo ku dhisan aragti waddaninimo oo qota dheer, una hoggaansan shuruucda Dalka, sidoo kale Xisbigu wuxuu ka amba qaadayaa nidaamka Federaalka ah ee Dalku ka dhisanyahay, wuxuuna hormuud ka noqonayaa Xisbigu dowlad casri ah oo dhidibbada u aasta Xorriyadda, Maamul wanaagga, Caddaaladda iyo Muwaaddinimada Suubban”

 

Gabagabadii Xafladda ayuu Guddoomiye Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi Xuubsireed Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota kusoo dhaweeyay ka mid noqoshada Xisbiga Himilo Qaran, isagoo ugu baaqay inay Xisbigaan la garab istaagaan Maskax, Muruq iyo Maalba.


Puntlandes.com

About The Author