Maamulka Axmed Madoobe oo shaaciyey inay Kismaayo ka xireen Cirka, Dhulka & Badda

20 August 2019 (Puntlandes) Shir ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray awaamiir dhanka Amniga magaalada Kismaayo inta lagu guda jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo Guddiga Amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 20-ka bisha Agosto in laga xiray Kismaayo xuduudaheeda sida Badda, Cirka, Badda iyo Dhulka, iyadoo aan magaalada la geli karin inta lagu guda jiro doorashada.

Sidoo kale waxaa heegan buuxa la geliyay Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ka howlgala Kismaayo, sidoo kale waxaa la xadiday dhaq dhaqaaq kasta oo ciidan ah, iyadoo maalinta doorashada dhaceyso la ogol yahay kaliya Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Jubbaland inay sugaan Amniga magaalada iyo goobta doorashada.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka

Puntlandes.com

About The Author