Axmed Madoobe oo loo doortay Madaxweynaha Jubbaland

22 August 2019 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa u doortay Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ee afarta sano ee soo socota, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday Kismayo.

Axmed Madoobe ayaa helay codod dhan 56 cod, halka Musharaxa la tartamayay oo aheyd Haweeney lagu magacaabayay Canab ay heshay 17 cod, Musharaxa 3aad ayaa isna helay hal cod kaliya.

Doorashadan ayaa aheyd mid laga daawanayay Telefishinada maxaliga iyo baraha bulshada, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka oo taageersan hannaanka doorashada u socotay.

Natiijada doorashada ayaa markii lagu dhawaaqay waxaa goobta ka bilaabatay saxawan iyo dabaal deg, inkastoo la filayay in Axmed Madoobe mar kale la dooran doono, maadaama uu ahaa nin awood badan ku leh Kismaayo.

Dhanka Mucaaradka is bedel doonka ayaa iyana dhankooda ku dhawaaqay inay Madaxweyne  doorteen, waxayna doorashada ku qabteen guri ku yaalla Kismayo oo la sheegay inuu degan yahay C/naasir Seeraar oo ka mid ahaa Musharaxiintii is bedel doonka ahaa ee ka soo horjeeday Axmed Madoobe.

Xaalada Kismaayo ayaa weji cusub galeysa, iyadoo labo Madaxweyne hal maalin lagu kala doortay, lamana saadaalin karo sida xaalka noqon doono, waxaana horay looga digay rabshado gacan ka hadal ah oo ka dhaca magaalada.

Puntlandes.com

About The Author