DFS oo sheegtay in aysan aqoonsaneyn Natiijooyinka kala duwan ee ka soo baxay Kismayo

22 August 2019 (Puntlandes) War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in aysan DFS aqoonsaneyn doorashadii maanta ka dhacday Kismayo.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay Doorashooyinkii maanta ee Kismayo inay ahaayeen is caleema saar baal marsan habraacyada doorashooyinka dalka, Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in aanay aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee ka soo baxay Kismayo, kaas oo ay ku sheegtay in shaqsiyaad kala duwan uu mid walba gaarkiis u sheegto inuu yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Arrintan ayaa ka dhigan in Dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo doorashadii mucaaradka ay ku doorteen C/rashiid Xidig in intana Wasaaradda ku gacan seyrtay sharciyadooda.

Halkan hoose ka akhriso

Puntlandes.com

About The Author