Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo lagu xiray Muqdisho

31 August 2019 (Puntlandes) Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, isagoo sii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

C/rashiid Janan ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Booliska Soomaaliya ayaa horay dambiyo ku soo oogay, waxaana jiray amar Maxkamadeed oo soo qabasho iyo horkeenid Maxkamad oo lagu soo oogay Mr Janan.

Hase ahaatee bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID

Puntlandes.com

 

About The Author