Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo kulan la qaatay Masuuliyiin kasocday EU-yada

31 August 2019 (Puntlandes) Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Mudey iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Wafdi Heer-sare ah oo uu Hogaaminayay Stefano
Manservisi Agaasimaha Guud Midowga Yurub u qaabilsan Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan ayaa Ka dhacay Xarunta Guddiyadda iyo Guddoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa looga hadlay Wada-shaqaynta labada dhinac Waa EU-da iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulanka Ka hadlay ayaa kaga Mahadceliyay Masuuliyiintii ka socday EU-da Sida ay diyaarka ugu yihiin taageerida Dowlad-nimada Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author