Sawirro: Ra’iisul wasaare Khayre oo gaaray Baydhabo

07 sept 2019 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta KMG ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, iyadoo socdaalkiisa la xiriiro arrimo kala duwan oo uga weyn tahay amniga iyo dib u habeynta Ciidamada.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ah maamulka koowaad ee si dhow u taabacsan madaxda dowladda Federaalka, waxaana lagu xusuustaa madaxda DFS kaalintii ay ku lahaayeen doorashadii Koofur Galbeed ee dhacday bishii December ee sanadkii hore iyo doorashadii C/casiis Lafta Gareen oo ahaa Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Baydhabo ayaa ku soo beegmaya, xilli lagu wado in dhowaan bilaabato soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, maadaama waqtigooda dhamaaday Baarlamaanka hada jira.


Puntlandes.com

About The Author