Dhuusamareeb: Dhagxaan iyo carro tuur la dhigay waddooyinka qaar

10 sept 2019 (Puntlandes) Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka qaar maanta lagu arkay dhagxaan iyo carro-tuur dhufeys ah, taasoo ku cusub magaalada.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada dowladda ee dhowaan geysay magaalada ayaa dhagxaan iyo carro-tuur ku xiray halka laga galo Madaxtooyada, halka shirka ka socdo iyo waddooyinka muhiimka ah.

Ciidamada ayaa xiray wadado gasha xarunta uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, waxaana saaka lagu arkayay Ciidamada oo wadada ku xiray carro-tuur, si aanay gaadiidka ugu gudbin, halka waddooyinka qaar dhinacyada laga dhigay.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu sugo amniga magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan marti gelin doonta doorashada Hoggaanka Maamulka Galmudug.

Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada ku qulqulayay siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo ergooyin matalaya deegaanada Galmudug, si ay qeyb uga noqdaan geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Puntlandes.com

About The Author