Jubaland oo shaacisay shuruudihii uu Farmaajo ku xiray sii daynta wasiir Janan

11 sept 2019 (Puntlandes) Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wafdi isugu jira odayaal, ganacsato iyo aqoonyahano ay tageen Muqdisho, si dowladda federaalka ay uga la hadlaan siideyntiisa Wasiir Janan balse la hor-dhigay shuruudo dhowr ah.

Maxamuud ayaa sheegay in shuruudahaas ay ugu adkaayeen saddex qodob oo aysan suurta-gal ahayn in Jubaland ay fuliso.

”Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya, dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay “, ayuu BBC-da u sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo aan sheegin cidda ka tirsan dowladda federaalka ee ay la hadleen Jubaland ayaa intaasi ku daray in marnaba aysan aqbali karin oo taas ay ka dhigan tahay in ciidammadii Jubalanad ee Al Shabaab la dagaalamayay la kala diro.

Dowladaha deriska, oo loo maleynayo in loola jeedo Kenya, ayuu sidoo kale sheegay inay ka wada shaqeeyaan ammaanka labada dhinac, dalabkas na uusan macquul ahayn.

Guddiga horey ay Jubaland usoo dirtay oo u badnaa xubno ku beel ah Janan iyo madaxweyne Farmaajo, oo u badan odayaal dhaqameed ayaa sheegay in shuruudaha lagu xiray uu ka dambeeyo madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in xaaladda Cabdirashiid Janan aysan ka warheynin oo aanay garaneyn xaaladiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”, ayuu raaciyay.

Puntlandes.com

About The Author