Tirada Ciidamada AMISOM looga dilay Soomaaliya oo la soo bandhigay

12 sept 2019 (Puntlandes) Warbixin cusub ayaa soo bandhigtay tirada Ciidamada AMISOM looga dilay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii oo uu bilowday Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, xilligaasoo ay si rasmi ah ay Muqdisho u yimaadeen Ciidankii u horeeyay ee AMISOM.

Prof. Paul Williams oo ah khabiir u dhashay dalka Mareykanka, waxna ka dhiga Jaamacadda George Washington ayaa warbixin cusub oo uu soo bandhigay ku sheegay in baaritaano uu sameeyay uu ku helay tirada rasmiga ah ee Ciidamada AMISOM looga dilay Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu caddeeyay inuu aas aas uga dhigay ilo wareedyo iyo xogaha uu ka helay Ururka Midowga Afrika, lacagta magdhawga la siiyay qoysaska askartii lagu dilay Soomaaliya.

Tirakoobka uu sameeyay ayuu ku sheegay in khasaaraha soo gaaray Ciidamada AMISOM intii u dhaxeysay bishii March 2007 illaa bishii December ee sanadkii hore 2018 la dilay askar u dhaxeysa 1,483 askari illaa 1,884 askari.

“Qiyaasta la saadaalin karo ee dhimashada AMISOM inta u dhaxaysa March 2007 iyo Decembar 2018 waxay noqon kartaa inta u dhaxaysa 1,483 iyo 1,884,” ayuu qoray Prof Williams oo aqoonyahan arrimaha caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington.

Inkastoo Midowga Afrika aanu si rasmi ah u shaacin tirada rasmiga ah ee AMISOM looga dilay Soomaaliya, haddana Prof. Paul Williams ayaa tirakoobkiisa u adeegsaday inuu ka ogaaday Darbiga Xarunta Dhexe ee Midowga Afrika ku leeyahay Addis Ababa oo lagu qoray Liiska magacyada iyo darajooyinka Ciidamada Nabad Ilaaliyeyaasha Midowga Afrika lagu dilay howlgalka ka socda dalalka Burundi, Afrikada Dhexe, Koofurta Sudan iyo Soomaaliya.

Prof. Williams ayaa sheegay in bishii Agosto ee sanadkan 2019 in Darbiga Xarunta Midowga Afrika lagu qoray magacyada illaa 1,108 oo ah askarta lagu dilay Soomaaliya.

Warbixinada Maaliyadeed ee Midowga Afrika laga helay inta u dhaxeysa 2014 iyo 2018 waxay muujinayaan in Midowga Afrika ay bixisay lacag gaareysa 74.6 Milyan oo ah magdhawga Askarta la dilay.

Puntlandes.com

About The Author